Arday ka socota Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa u gudbay heerka kama dambaysta ee tartanka Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadantinimada (IHL), kaas oo ay ka qayb galeen Jaamacado dhowr ah ka dhisan dalka, iyada oo ay isku soo hareen kulliyadaha Sharciga Jaamacadda Ummadda iyo kuliyadda shareecada iyo qaanuunka ee Jaamacadda Muqdisho. Ardayda kaalinta koowaad ku guuleysata ayaa la filayaa inay ka qaybgasho tartan aqooneedka IHL, kaas oo ka dhici doona magaalada Nairobi, waxaana halkaasi isugu imaan doonaan Jaamacadaha ugu sareeya qaarada Afrika. Tartankan waxaa soo qabanqaabisay hay’adda ICRC, waxaana lagu wadaa inuu qabsoomo 11-ka bishan Sebtember.