SHAACINTA MUSHARAX

Mogadishu: 04 April , 2024 . Ururka Ardayda Qaanuunka ee Jaamacada ummadda soomaaliyeed waxuu shaacinayaa musharax rasmiga ah ee kulliyadda Qaanuunka ku matali doona doorashada Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 2024-2025 .
Gudoomiyaha Ururka ardayda kulliyadda qaanuunka Mudane Suleyman Ali Mohamud ” qanuuni ” oo ka duulaaya midnimada iyo isku duubnida ardayda kulliyadda qaanuunka ayaa waxa uu kulamo iyo wadatashiyo la yeeshay hogaanada dufacadaha kulliyadda Qaanuunka iyo wax garadka kulliyadda Qaanuunka .
Wadatashi iyo isu tanaasul ka dib , Maamulka kulliyada , Ururka Ardayda iyo hogaanada dufacadaha waxey Avv Ibrahim Abdi Hersi ( Kitte ) u garteen inuu yahay musharaxa rasmiga ah ee soo buuxiyey sharuudihii musharaxnimo uuna ku matali doona doorashada Naadiga ardeyda jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan ardayda kulliyadda iyo guud ahaan ardeyda jaamacadda Ummadda ku bogaadineynaa iney si dhaw ula shaqeeyaan musharax Avv Ibrahim A Hersi ( kitte ) oo ah hogaamiye kasoo bixi Kara waajibaadkiisa u adeegidda ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed .
#kittefornajus
#voteforkitte
#najus2024_2025

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top