kulan soo dhaweyn iyo Casho sharaf ah oo ay sameeyeen Ardaydii ka qalin jabisay kulliyadda Qaanuunka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kuna soo dhaweynayeen Hormuudka Cusub ee kulliydda Qaanuunka JUS Avv. Farah Abdikarim Hersi, Ujeeddada kulanka ayaa ahayd soo dhaweyn iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya qalinjebiyaasha kulliyadda iyo Maamulka Kulliyadda iyadoo lagu muujinayay midnimo, isgarab istaag iyo joogteynta wada shaqeynta bahda sharciga ee ka soo baxday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. 

Alumni-ga Kulliyadda Qaanuunka ee JUS waxay mar walba ku dadaalayaan adkeynta xiriirka qalinjebiyaasha, isweydaarsiga waayo-aragnimada iyo taageeridda horumarka aqooneed iyo xirfadeedba.


