Kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay tababar sannadle ah oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen qaybta tababarrada ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Tababarkan ayaa socday muddo hal sano ah, waxaana ka faa’iideystay arday ka tirsan Kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd in ardaydu helaan aqoon iyo waayo-aragnimo dhanka sharciga iyo garsoorka ah, si ay ugu diyaar garoobaan ka qaybqaadashada hagaajinta nidaamka cadaaladda dalka. Ardayda ayaa intii uu tababarku socday lagu baray habraacyada maxkamadaha, qorista dacwadaha, diyaarinta kiisaska sharciga, iyo dhaqanka shaqo ee hay’adaha garsoorka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka oo lagu qabtay xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida – iyadoo lagu bogaadiyay dadaalka ardayda iyo barayaasha tababarka.
Masuul matelaayay kulliyada qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in tababarkan uu qayb weyn ka qaadanayo dhismaha aqoonta iyo xirfadda ardayda sharciga. Wuxuuna xusay in jaamacaddu ay sii wadi doonto iskaashiga hay’adaha cadaaladda si loo kobciyo tayada waxbarashada iyo tababarrada garsoorka ee ardayda.
Dhanka kale, madaxa tababarada ee maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in tababarrada noocan ah ay gacan ka geysanayaan fahamka qotoda dheer ee nidaamka garsoorka dalka, ayna muhiim u yihiin jiilka cusub ee qareennada iyo garsoorayaasha mustaqbalka.
Ardayda tababarka dhamaystay ayaa iyaguna muujiyay farxad iyo mahadnaq, iyagoo sheegay in ay heleen waayo-aragnimo iyo xirfado muhiim ah oo ay ku dabaqi doonaan marka ay u gudbaan nolosha shaqada.
Ugu dambayn, masuuliyiinta labada dhinac ayaa isku raacay in tababarkan la sii xoojiyo sannadaha soo socda, si loo helo arday si dhab ah ugu diyaarsan garsoorka iyo adeegga.


