Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay soo dhaweynta ardaydaas iyo macaallimiintooda, ayna ka soo qaybagleen guddoonka Akademiyada iyo madaxda waaxyaha AGA ayaa lagu qabtay gudaha maktabadda Akademiyada.
Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga AGA Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka hadlayay munaasabadii soo dhaweynta ardaydaas ayaa sheegay inuu si kalgacal leh ugu soo dhaweynayo ardaydaas iyo macallimiintooda xarunta Akademiyada, waxaana uu si kooban uga sheekeeyay qaybaha ay ka kooban tahay xarunta iyo sida ay u dhisan yihiin waaxyaha cilmiga ee Akademiyada, isagoo intaas ku darey inay Akademiyadu u furan tahay muwaadin walba oo Soomaaliyeed.
Madaxa waaxda Naxwaha Akademiya Goboleedka Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay ardaydaani inay noqoyaan kooxdii labaad ee soo booqata xarunta Akademiyada, waxaana uu caddeeyay inay horrey xarunta u yimaadeen arday ka socotay Kulliyadda Afafka ee jaamacadda Ummadda, isagoo intaas raaciyay ardaydani inay booqashadoodu u tahay aqoon kororsi ku aaddan xagga aqoonta iyo cilimga afka, dhaqanka iyo suugaanta.
Macallin Cabdirisaaq Maxamuud Aadan oo ardaydaas hoggaaminayay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen xarunta Akademiyada, waxaana uu tilmaamahy inay ardaydooda wax badan ka kororosan doonaan Akademiyada, isagoo hoosta ka xarriiqay inay marar kalana ay soo booqan doonaan xarunta Akademiyada.


