BOOQASHADA RAKTARKA EE KULLIYADDA QAANUUNKA

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Mohamed, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta Gaheyr, gaar ahaan dhismaha Kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Intii kulanku socday, waxaa kalmad soo dhaweyn leh jeediyay kusimaha hormuudka Kulliyadda Qaanuunka, isagoo Guddoomiyaha ku soo dhoweeyay kulanka. Intaas ka dib, Kulliyaddu waxay Guddoomiyaha uga warbixisay heerarka kala duwan ee ay marayaan howlaha Kulliyadda, horumarka tacliimeed, iyo dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada sharciga.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha, kusimaha hormuudka Kulliyadda, Maamulka Kulliyadda, iyo macallimiinta, gaar ahaan madaxda waaxyaha (Head of Departments) ee Kulliyadda Qaanuunka.
Intaa waxaa dheer, barayaasha Kulliyadda ayaa la wadaagay Guddoomiyaha talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa horumarka iyo tayada waxbarashada sharciga.
Gabagabadii, Kulliyadda Qaanuunka waxay uga mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed booqashadiisa qiimaha badan iyo waqtiga uu u huray kormeerka shaqooyinka socda. Booqashadani waxay dhiirrigelin weyn u tahay maamulka iyo macallimiinta, iyadoo astaan u ah sida ay Jaamacaddu ugu heelan tahay tayeynta waxbarashada sharciga ee dalka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top